U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Shirkii Maareynta Mooshinka Madaxweynaha Oo Ka Furmay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa goor dhaw magaalada Muqdisho gaar ahaan Villa Hargeysa ka furmay shirka maareynta  Mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkaan waxaa ka qeybgalaya Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo wakiil ka ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno matalaya xildhibaanada baarlamaanka gaar ahaan garabka mooshinka keenay.

Shirkaan ayaa baaqday 7-dii bishaan October ka dib Ra’iisul wasaaraha oo safar ku maqnaa, waxaana uljeedkiisa uu yahay maareynta mooshinka laga keenay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

August 12, 2015: Xildhibaano ka badan 93 ayaa soo saaray qoraal ka kooban sagaal bog oo lugu sharaxayo mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha dalka Xasan Sheekh.

Xildhibaanada ayaa Madaxweyanaha ku eedeeyay falal ku saleysan xadgudubyo culus oo lid ku ah Qaranimada Soomaaliya, wax qabad la’aan, hoggaan xumo xaga amniga iyo qoddobo kale.

Guddoonka baarlamaanka ayaa isla maalintaas gacanta loo geliyay Mooshinkan, waxaana la sheegay in laga yaabo inay Maxkamadda sare ee dalka u gudbiso, si ay usoo hubiso eedeymaha Madaxweynaha ay u jeediyeen Xildhibaanada, haddii ay soo xaqiijisana uu Baarlamaanka markaas dood gelin karo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News