U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya oo geeriyooday

Sheeko:Dalka

Warar hadda nasoo gaaray ayaa waxay sheegayaan in uu geeriyooday Allaha u naxariistee Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil.

Taliyaha ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxaana warar ay sheegayaan in geeridiisa ay ka dambeysay ka dib xanuun kusoo booday.

Weli dowladda Soomaaliya wax war ah kama aysan soo saarin geerida Taliyaha, waxaase la filayaa in goor dhaw ay war kasoo saarto.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog New