U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Wariyaasha Goobjoog Ee u Xirnaa Ciidamada Dowladda Oo Dib u Helay Xorriyadooda

Sheeko:Dalka

DEG DEG GOOBJOOGWaxaa goor dhaw dib u helay xurriyadooda Madaxa Barnaamijyada Goobjoog Fm, Maxamed Salaad Cimssan iyo Wardoone Ibraahim Xaaji Yuusuf oo shalay ay xireen ciidamo ka mid ah dowladda Federaalka, xilli ay ku guda jireen howlahooda shaqo.

Wariyaasha ayaa lasoo daayay iyaga oo bad qaba, islamarkaana aanay jirin wax dhibaato ah oo ay kala kulmeen ciidamada dowladda saacadihii ay xurriyad la aanta ahaayeen.

Wariye Maxamed Salaad Cismaan iyo Ibraahim Xaaji Yuusuf waxaa shalay laga xiray wadada 21 October xilli ay warar kasoo tabinayeen Qarax shalay ka dhacay halkaasi.

Goobjoog News