U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Wariyeyaashii TV-ga Universal Ka Xirnaa Oo Dib u Helay Xurriyaddooda

Sheeko:Dalka

Waxaa goor dhaw dib u helay Xurriyadooda Laba wariye oo ka tirsan TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho, kuwaa oo u xirnaa hay’adda Nabad sugidda Qaranka muddo dhan Lix Maalin.

Naciimo Ciise oo ah agaasimaha magaalada Muqdisho ee Tv-ga Universal  ayaa Goobjoog News u xaqiijisay in lasii daayay Wariye Cawil Daahir Salaad oo barnaamij soo saare ka ahaa TV-gaas, iyo sidoo kale agaasimahii Bariga Afrika ee Talefishinkaasi Cabdullaahi Xirsi Kulmiye.

Maanta ayeey ahayd markii guddoonka baarlamaanka Soomaaliya qoraal uu soo saaray ku sheegay in xeer ilaaliyaha guud ee qaranka uu ka aqbalay in lasii daayo Wariyeyaashaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News