U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Safar Degdeg Ah Ku Tagay Degmada Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Wararka Goobjoog News ay helayso ayaa sheegaya in wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa uu gaaray degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud, halkaasi oo dhawaan dagaal ay kula wareegeen ciidamada Ahlu-sunna Waljameeca.

Safarka wasiirka uu ku tagay Dhuusamareeb horay looma sii shaacin, hase ahaatee wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in halkaasi wada hadal uu kula leeyahay saraakiisha Ahlu-sunna Waljameeca.

Wasiir Odawaa ayaa horay si kulul uga hadlay qabsashadii Ahlu-sunna Waljameeca ee Degmada Dhuusamareeb, inkastoo dhawaan uu sheegay in wada hadal lala galayo Ahlu-sunna si ay qeyb uga noqdaan maamulka loo sameynayo Mudug iyo Galgaduud.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News