U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Wasiiro ku xigeeno iyo wasiiro dowlayaal ka dalbaday Ra’iisul wasaare Cabdiweli inuu is casilo

Sheeko:Dalka

Warar goor dhaw nasoo gaaray ayaa sheegay in 17 wasiir ku xigeen iyo Seddax ka mid ah wasiiro dowlayaasha xukuumkada Soomaaliya ay ka dalbadeen Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh in uu xilka iska casilo.

Xubnahaan ayaa soo saaray warqad la mid ah midi ay soo saareen qaar ka mid ah wasiirada xukuumada Soomaaliya, taa oo ay ku sheegayeen in Cabdiweli ugu baaqayaan is casilaad.

Mas’uuliyiintaan maanta baaqaan u jeediyay Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in ay arkeen shaqadii dowladda oo istaagtay iyo sidoo kale in xilligaan aysan howshii loogu tala galay xukuumada u socon sidii la rabay.

Waxay kaloo sheegeen in ay ka rajeynayaa Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh in uu aqbalo taladaan loo soo jeediyay islamarkaana meesha uu baneeyo.

Habeen hore ayaa warqad ay ku saxiixan yihiin 16 wasiir waxaa loo gudbiyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, taa oo ku saabsan in uu xilka baneeyo.

Halkaan hoose ka Akhriso qaar ka mid ah Wasiiro ku xigeenada iyo wasiiro dowlayaasha maanta is casilaada ka dalbay Ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed.

1-   C/raxman Maxamed Saalax (Bankax) wasiir ku xigeenka arimaha gudaha iyo Fedaraalka.

2-   Cabdalla Xuseen cali wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga

3-   Mahad Maxamed Salaad wasiir ku xigeenka arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga

 4-Ibraahim Isaaq Yaroow wasiir ku xigeenka amniga qaranka

  5-  Yuusuf Xayle Jimcaale Wasiir ku xigeenka Diinta iyo Owqaafta

  6-   C/laahi Colaad Rooble wasiir ku xigeenka warfaafinta

   7-  Xirsi Aaden Rooble wasiir ku xigeenka Gaadiidka iyo duulinta Hawada

  8-  Cusmaan Libaax Ibraahim wasiir ku xigeenka Beeraha

 9-  Cabdi Kaafi Macalin Xasan wasiir ku xigeenka Tamarta iyo Biyaha

 10-C/raxman Cabdi Cusmaan wasiir ku xigeenka ganacsiga iyo warshadaha

 11-C/casiis Xasan Maxamed wasiir ku xigeenka Kaluumaysiga Kheyraad ka  Badda

 12-Cabdalla Xaaji Cali wasiir ku xigeenka shaqada iyo arimaha bulshada

  13-Maxamed Cumar Geedi wasiir ku xigeenka Macdanta

Warkaan oo faah faahsan goor dhaw la soco