U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Weerar Ismiidaamin Ah Oo Goor Dhaw Ka Dhacay Hoteel Ku Yaalla Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, gaar ahaan waqooyiga magaaladaasi ayaa sheegaya in qarax Ismiidaamin ah lagu weerarey Hoteelka Uunlaay oo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

Qaraxan ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, waxaana warar kala duwan laga helayaa dadka ku dhintay weerarkaan.

Weli lama hayo tiro rasmi ah oo ku saabsan dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay weerarkan.

Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa gaaray halka weerarkaan uu ka dhacay, kuwaasi oo xiray isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News