U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Weerar Ismiidaamin Ah Oo Ka Dahacay Maqaayad Ku Taalla Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wararka nasoo gaaraya ayaa waxay sheegayaan in goor dhaw qarax Ismiidaamin ah uu ka dhacay maqaayadda the Village oo ku dheggan daarta Hooyooyinka degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho.

Goobjooge ku suganaa maqaayadda uu qaraxani ka dhacay ayaa sheegay in qof isku soo xiray walxaha qarxa uu halkaasi isku qarxiyay.

Weli lama hayo inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay weerarkaan Ismiidaaminta ah, iyadoo goobta ay hadda ku qulqulayaan gaadiidka gurmadka degdegga ah iyo sidoo kale ciidanka dowladda Federaalka.

Weerarkaan Ismiidaamin ah ayaa sidaan oo kale 20-kii September sanadkii 2012 xilli galab ah lagu qaaday isla Maqaayaddan Village halkaasi oo khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ay ka dhalatay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News