U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Weerar Ismiidaamin Ah Oo Lagu Qaaday Xarun Ciidamada Dowladda Ku Leyihiin Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Goor dhaw ayaa weerar Ismiidamin ah waxaa lagu qaaday meel ku dhaw xarun ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Shibis ee magaalada Muqdisho, iyadoo dhawaqa Qaraxa laga maqlay meelo badan oo magaalada ka mid ah.

Weerarkaan Ismiidaaminta ah ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxa qarxa, waxaana halka weerarkaan lagu qaaday ku dhawdahay halka loo yaqaano Maxfalka ee degmada Shibis.

Rasaas xoogan ayaa laga maqlayaa halka weerarka uu ka dhacay, waxaana dadka qaar oo ka dhaw halka la weeraray ay sheegayaan in qaraxa ay daba socdeen rag kale oo dagaallamayay.

Lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay, balse weli waxaa socota rasaas, iyadoo aanay inoo suurta gelin in qadka taleefanka ku helno maamulka degmada Shibis.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News