U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Weerar Lagu Qaaday Hoyga Xildhibaan Ibraahim Aadan Dhaayow Ee Muqdisho

Sheeko:Baarlamaanka

Wararka ka imaanaya degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in goor dhaw Bambooyin lagu weeraray hoyga halkaasi uu ka degggan yahay Xildhiban Ibraahim Aadan Dhaayow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Dhowr Bam gacmeed ayaa la xaqiijiyey in lagu weeraray hoyga xildhibaanka, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhaawac u badan.

Inta la xaqiijiyey Afar ka mid ah ilaalada xildhibaanka ayaa weerarkaan ku dhaawacantay, waxaana la xaqiijiyey inuu bad qabo xildhibaanka.

Ragga Bambooyinka ku weeraray hoyga xildhibaanka ayaa la sheegay inay wateen Labo Mooto iyaga oo halkaasi ka baxsaday.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News