U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Cod Aqlabiyad Ah Kalsoonida Ku Siiyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke

Sheeko:Dalka

DEG DEG GOOBJOOGWaxaa goordhaw soo gaba gabowday codka kalsooni siinta Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyaga oo codka u siiyay si aqlabiyad leh.

Codeynta ayaa ahayd gacan taag, waxaana xildhibaanada maanta xaadirka ahaa tiradoodu ahayd 224 Mudane, iyadoo codka loo qaaday Aqbalis, Diidmo iyo Ka Aamusnaan.

Dhamaan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa codka kalsoonida ah siiyay marka laga reebo 6 xildhibaan oo banaanka ku maqnaa, iyaga oo codkooda aamusnaan loo tiriyay mana jirin cid diiday.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay Natiijada codeynta isaga oo si buuxdo u sheegay In Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid uu helay codka kalsoonida baarlamaanka.

Gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka Caydiid Ilka-xanaf ayaa dhaariyay Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, waxaana goordhaw bilaaban doona Khudbadaha Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

La soco wixii soo kordha.