U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Xildhibaannada Baarlamaanka Oo Su’aallo Weydiinaya Ra’iisul Wasaare Cumar

Sheeko:Baarlamaanka

Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta oo Arbaco ah hortagay baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyadoo halkaasi su’aallo lagu weydiinayo.

Kulanka ayaa ah mid albaabada u xiran yahay, waxaana dibad joog ka ah saxaafadda, kadib markii xildhibaannada ay cod u qaadeen in saxaafadda dibad joog laga dhigo iyo in kale.

Kulankan Ra’isul wasaaraha loogu yeeray ayaa ka dhashay kullan saacado badan qaatay oo ay saxaafaddu dibad joog ka ahayd kaa oo shalay ku yeesheen xarunta golaha shacabka, waxaana ay isla garteen in ay u yeeraan Ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul wasaare Cumar ayaa wax laga weydiinayaa xaalladda ammaan darro ee baryahan dambe kusoo kordhaysay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ay ku soo badaneyeen qaraxyada iyo didalka qorsheysan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News