U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Lagu Dhaawacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Warar goor dhaw aynu helnay ayaa waxay sheegayaan in xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya lagu dhaawacay degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan nawaaxiga Isgoyska Dabka, ka dib rasaas lagu furay gaari ay saarnaayeen.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in rasaas ay ku fureen gaari ay saarnaayeen Xildhibaanada kala ah Cabdalla Boos Axmed iyo Yuusuf Maxamed Dirir kuwaasi oo dhaawac uu soo gaaray.

Mudane Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay dhaawaca Xildhibaanadaan, mana jirto faah faahin intaan ka badan oo la helay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News