U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Xildhibaano Jeex jeexay Buugii Xaadirinta Baarlamaanka

Sheeko:Dalka

Wararka haatan ka imaanaya xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka ay Jeex jeexeen, Buugii loogu tala galay in lagu xaadariyo xildhibaanada soo shaqo tagay.

Waxaa lasoo sheegayaa in liiskaan ay jeex jeexeen mudanayaal halkaasi ku sugan, iyadoona maanta la filaayay in la qeybiyo Mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Xildhibaan ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka oo ku sugan xarunta golaha shacabka ayaa inoo xaqiijiyay in la jeex jeexay buugii, howlka shirarkana ay ku sugan yihiin dhamaan xildhibaanada.

“Baarlamaanka waa fashiyaa, dhamaantood wey soo xaadireen, Labada dhinacba wey joogaan, sidii ay ahayd Labadii maalin ee nasoo dhaaftay ayeey hadana ahayd, waxaa durba la jeexay sidii caadiga ahayd Buugii Xaadirinta, xildhibaanada hadda waxay u fadhiyaan si caadi ah, welina ma aanu imaan gudoonka” sidaasi waxaa Goobjoog Fm u xaqiijiyay xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka oo naga codsaday in magaciisa aynu adeegsano.

Dhanka kale wariyaasha ayaan ilaa hadda loo ogolaan in ay gudaha u galaan xarunta golaha shacabka, waxaana ay yihiin kuwo banaanka kore jooga.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale