U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Xildhibaano leh Kulan ka dhan ah Mooshinka Ra’iisul wasaaraha

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaaya kulan ay leeyihiin Xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan mudanayaal kasoo horjeeda mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Kulankaan waxaa ku sugan wasiiro ka mid ah xukuumada Soomaaliya oo uu ka mid yahay Ridwaan Xirsi oo ah wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta iyo xubno kale.

Xildhibaanadaan ayaa sheegay in mooshinkaan uu gadaal ka riixayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo dalbaday in arintaasi uu joojiyo, waxaana kulanka uu yahay mid socda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale .