U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Xoghayihii Maamulka Degmada Kaxda Oo La Dilay

Sheeko:Dalka

Warar goor dhaw aynu helnay ayaa ku waramaya in koox hubeysan ay degmada Dharkeenley ku dileen xoghayihii degmada Kaxda Bile Axmed Abukar iyo Laba ka mid ah Ilaaladiisa.

Ragga hubeysan ee dilka geystay ayaa watay gaari yar, waxaana la sheegay in gaarigooda ay ku hor jareen gaarigii uu saarnaa mas’uulka dhintay, ka dibna ay rasaas ku fureen.

Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay, iyaga oo wada baaritaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoo News