U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH : Zakariye Ismaaciil oo Laga Soo Dajiyey Garoonka Aadan Cadde

Sheeko:Dalka

Warar hadda naga soo gaaraya garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan ayaa sheegaya in halkaasi laga soo dajiyey sargaalkii Alshabaab ee dhawaan iska soo dhiibey gobolka Gedo, kadibna dowladda Kenya ay la wareegtey 2 maalmood ka hor.

Diyaarad la sheegey in ay kasoo duushey dalalka dariska midkood, oo ay u badantahay in uu yahay Kenya ayaa maanta galinkii dambe Zakariye kasoo dajisey garoonka, waxaana la wareegey ciidamada nabad sugidda qaranka ee NISA.

Zakariye ayaa ahaa madixii hore ee sirdoonka Alshabaab, kaasi oo dowladda Maraykanka ay madaxiisa saartay $3 malyuun oo doolar haddii lasoo qabto, todobaadkani ayuuna iska soo dhiibey magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Goobjoog News