U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Askar Ka Tirsan AMISOM Oo Dad Shacab Ah Ku Dilay Gobolka Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamada AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in Afar qof oo shacab ah ay ku dileen deegaanka Buulomareer ee gobolka Shabellaha Hoose.

Goobjooge magaciisa ka gaabsaday ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in ciidanka AMISOM ay dadkaan kala dageen gaari yar oo ay saarnaayeen, waxaana ka mid ahaa dadka la dilay Labo Haween ah oo mid ay 80 sano jir tahay halka midda kalena tahay gabar yar oo 10 sano jir ah.

Waxa uu sidoo kale Goobjoogahan inoo sheegay in dilka kadib indha laga saaray Afartaasi qof waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waa dhacdo ay aad uga naxeen dad badan oo ku dhaqan deegaanka Buulomareer ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana weli halkaasi yaalla meydka dadkani.

Waxaan weli inoo suurta gelin inaan qadka taleefanka ku helno maamulka gobolka Shabellaha Hoose ee Koonfur Galbeed.

Dhanka AMISOM weli wax war ah oo la xiriira falkaan dhacay iyo waxa ay kala socdaan kama aanay soo saarin.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News