WAR DEG DEG AH: Codbaahiyihii Baarlamaanka oo la jar jaray iyo gudoomiye Jawaari oo ku laabtay Xafiiskiisa

Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay jar jareen codbaahiyahii Baarlamaanka, xilli gudoomiye Jawaari uu ku hadlayay.

Iyadoo xarunta golaha shacabka ee Muqdisho uu ka socday buuq aad u xoogan oo ay wadeen xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadana waxaa gudoomiya Jawaari uu doonayay in kulanka Baarlamaanka uu furo, hase ahaatee waxaa ka hor yimid xildhibaanada Buuqa Waday.

Waxay qaarkood jar jareen Codbaahiyahii. Iyadoo gudoomiyaha uu galay xafiiskiisa markii buuqa uu sii xoogeystay ka dib.

Weli xarunta golaha shacabka waxaa ka socda sawaxanka xildhibaanada diidan mooshin, iyadoo mooshinkaan uu yahay maalintii Sedaxaad oo buuq uu soo kala dhex galiyo xildhibaanada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW