U bood dhigaalka

WAR DEG-DEG: Koox hubeysan oo rasaas ku furay agaasime ka tirsan garoonka diyaaradaha Aaden Cadde

Sheeko:Dalka

War goor dhow soo gaaray war qabadka Goobjoog FM ayaa waxa uu sheegayaa in kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen gaari uu saarnaa agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee garoonka diyaaradaha Aaden Cadde oo marayay degmada Wadajir ee Muqdisho.

Koox bistoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in sarkaalkan oo lagu magacaabo Cali Maxamuud Ibraahim “Cali Madoobe” ay xabado ku dhufteen ka dibna ay is kaga carareen iyaga oo aan la qaban.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in sarkaalkan dhaawac ahaan loo qaaday isla markaana hadda lagu daaweynayo isbitaalka  Madiina iyada oo la sheegay in xabadaha looga dhuftay meelo halis ah.

Waxaa soo baxaya warar is khilaafsan oo ku saabsan dhimashada iyo dhaawaca sarkaalkan.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco Goobjoog FM.