U bood dhigaalka

WAR DEG-DEG: Qarax goor dhow ka dhacay agagaarka Villa Baydhabo

Sheeko:Dalka

War goor dhow naga soo gaaray xarunta Villa Baydhabo ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan uu ka dhacay wadada u dhaxeysa Isbitaalka Madiina iyo Isgoyska Banaadir. Qaraxa ayaa ka dhacay meel aan wax sidaas ah uga fogeyn xarunta taliska ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee Villa Baydhabo.

Warar hor dhac ah oo aan helnay ayaa sheegaya in qaraxu uu yahay miino lagu aasay dhulka oo lala eegtay gaari tikniko ah oo ay dowladdu leedahay.

Ma jirto faahfaahin dheeraad oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay qaraxa, balse wixii ku soo kordha waan idinla socod siin doonaa.