War Deg Deg : Qarax Ka Dhacay Meel U Dhow Garoonka Muqdisho

Wararka kasoo baxaya Garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay halkaasi, waxaana qarxay gaari la dhigey meel u dhow xafiis ay halkaasi ku leedahay shirkadda duulimaadka Jubba Airways.

Lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxa, balse waxaa meesha ka dhacay rasaas xooggan oo ay rideen ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan.

Qaraxa ayaa waxa uu imaanayaa kadib markii shalay wasaaradda amniga ay sheegtey in ay ku guuleysteen in ay joojiyaan qaraxyadii magaalada ka dhacayay.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW