U bood dhigaalka

WAR DEG DEG: Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo gaaray Magaalada Garoowe

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal ayaa sheegaya inuu gaaray halkaasi safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhowayd ka degay magaalada Garoowe, iyagoo soo dhowayn ballaraan kala kulmay dowlada maamulka iyo shacabkeeda.

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay masuuliyiin uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka Puntland Injineer C/laahi Cameey iyo xubno ka mid ah Madaxtooyada Puntland.

Safiirka ayaa maamulka Puntland ku wareejiyay deeq raashin ah.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowlada Puntland Cali Xaaji Warsame oo haatan ku sugan dugsiga sare ee Gambool ayaa sugaya wafdiga safiirka oo booqan doona dugsigaas iyo xarumaha jaamacadaha.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco Goobjoog Fm