U bood dhigaalka

War Deg Deg ah: Wariye Cabdi Risaq Cali Silva oo Lagu Dilay Magaalada Galkacyo

Sheeko:Dalka

Qof goobjooge ah ayaa Warbaahinta Goobjoog u xaqiijiyay in Wariye Cabdi Risaq Cali Silva  lagu dilay goob lagu shaaho oo ku taal magaalada Galkacyo.

Wariyaha la dilay ayaa u shaqeyn jiray Radio Daljir iyo Royal Tv xafiiska magaalada Galkacyo, dilkan ayaa ka dhacay waqooyiga Galkacyo.

Lama Oga sababta loo dilay wariyaha lakin qofka la hadlay idaacadda Goojoog ayaa sheegay in uu socdo baaritaan arintaas la xiriira.