U bood dhigaalka

War Degdeg ah: Al-Bashiir oo Dalkiisa Kusii Jeeda

Sheeko:Dalka

Cumar Al-bashiir ayaa dalka Koofur Afrika ka duulay inta aan lagu dhawaaqin xukun Maxkamad ayidaad ah.

Al-bashiir ayaa Sabtidii tagay Johannesburg si uu uga qeyb galo shir madaxadeedka Midowga Afrika oo galabta halkaas lagu soo gabagabeyn doono.

Al-bashiir waxaa laga duuliyay Garoon ay leeyihiin Ciidamada Militariga dalka Koofurta Afrika, waxaana la socday ciidamo gaar ah.

Maxkamadda Dambiyada Aduunka ayaa Koofur Afrika ka codsatay in ay usoo gacan galiso Al-bashiir, oo loo heysto Dambiyo ka dhacay Darfur 2003-dii.

Dowladda Koofur Afrika ayaa sheegtay in Al-bashiir aanay u wacan S. Africa balse uu ku yimid dalkaasi casuumaad uu ka helay Midowga Afrika, Ururka Midowga Afrika ayaa diiday in uu la shaqeeyo Maxkamaddan, waxaa uuna ku dhaleeceeyay in ay Afrikaan uun loo furay.