U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Dowladda Soomaaliya oo Gaariga Barnaamijka “Gurmad iyo Gargaar” Ka Mamnuucday Wadada Garoonka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa maanta gaariga barnaamijka Gurmad iyo Gargaar waxa ay ka mamnuuceen in uu isticmaalo wadada isku xirta Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyo Isgoyska KM-4, iyaga oo halkaasi saacado ku haystay gaariga iyo darawalkii waday.

Maxamed Cali Axmed oo ah darawalka gaariga Gurmad iyo Gargaar ayaa sheegay ciidanka ay ku qabteen koontaroolka yaalla wadadaasi, gaar ahaan gaadiidka lagu baaro marka ay u socdaan Garoonka Aden Cadde, waxaa loo kaxeeyay isaga iyo gaarigiisa Saldhigg garoonka Aadan Cadde, halkaasi uu ku jiray 3 Saac.

Ciidamada ayaa u sheegay Darawalka in ay ku raadjoogeen muddo Sadex maalmood ah, iyagoo intaa raaciyay in madaxdooda ay soo amreen si ay gaariga Gurmad iyo Gargaar u qabtaan.!

Maamulka Goobjoog News ayaa markii dambe ku guuleystay in ay soo daayaan Darawalka oo muddo saacado ah laga hor istaagay shaqadiisa.

Goobjoog News waxaa ay cambaareysay falka lagu hor istaagay Gaariga Barnaamijka”Gurmad iyo Gargaar” kaas ooo lagu wacyi galinayo dadweynaha Soomaaliyeed si ay ugu gurmadaan walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhibban dalalka Yemen iyo Kenya.

20150502_111408