U bood dhigaalka

Ciidamada Al-shabaab Oo Weeraray Saldhigga AMISOM Ee Janaale

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Janaale ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Al-shabaab ay weerar Ismiidaamin iyo dagaal toos ah ku qaadeen saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaankaasi.

Mar qura ayaa la maqlay qaraxyo is xigxigay oo Ismiidaamin ah, waxaana wararku ay sheegayaan in ka dib la maqlay rasaas xoogan oo u muuqatay dagaal fool ka fool ah.

Dadka ku dhaqan deegaanka Janaale qaarkood oo aynu xiriir la sameenay waxay inoo sheegeen inay maqlayaa rasaas xoogan, sidoo kalena mararka qaar qaraxyo ay dhacayaan.

Warar aan aad loogu kalsooneen waxa ay sheegayaan in rag ka mid ah Al-shabaab ay gudaha u galeen xeradaasi ciidan, balse weli lama ogaan karo xaqiiqda dhabta ah xaaladda oo aad u kacsan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News