U bood dhigaalka

War-murtiyeed ka soo baxay shirka Garowe ee maamulka Puntland iyo xildhibaanada BF

Sheeko:War
wasiirka Dastuurka iyo Feeraalka maamulka Puntland Sahro Siciid
wasiirka Dastuurka iyo Feeraalka maamulka Puntland Sahro Siciid

War goor dhow  naga soo gaaray xafiiska Goobjoog FM ee magaalada Garowe ayaa sheegaya in war-murtiyeed uu ka soo baxay shir maalmahan u socday madaxda  Puntland iyo xildhibaano ka tirsan barlamaanka Federaalka oo  gaaray  goor sii horaysay.

Shirkan ayaa waxaa ka soo baxay go’aano ka kooban afar qodob oo ay si wada jir ah u wada gaareen maamulka Puntland iyo xildhibaanadii ka socday Barlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeday Puntland.

Madaxwayne Gaas ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga wada hadlo arimaha la isku hayo. Qodobada kasoo baxay shirka ayaa waxa saxaafadda u aqrisay wasiirka Dastuurka iyo Federaalka maamulka Puntland Sahro Siciid.

Shirkan wada tashiga ah ayaa socday muddo laba cisho ah, wuxuuna ka dambeeyay kadib markii Muqdisho lagu saxiixay heshiis 11-qodob ka kooban, kaasoo lagu damacsan yahay in maamul loogu sameeyo gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Puntland ayaa ku andacoonaysa qaybta ugu badan  ee Mudug , halka maamulka Galmudug uu isna qayb ka maamulo gobolkaasi Mudug.

Waxa ayna ku eedaysay dowladda Federaalka Soomaaliya in aysan tix gelin dastuurka u yaala dalka oo qeexaya in maamul goboleed loo samayn karo labo gobol iyo wixii ka badan.

War murtiyeedka ayaa u qornaa sidan:

War murtiyeed Puntland