U bood dhigaalka

War Murtiyeed Kasoo Baxay Kulankii Ay Jabuuti Ku Yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta war murtiyeed laga soo saaray kulankii magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, iyadoo qodobo dhowr ah lagu heshiiyay.

Kulankaan oo Laba maalin socday ayaa saacado kahor lasoo gaba gabeeyay iyadoo laga soo saaray war murtiyeed ku xusun waxyaabihii lagu heshiiyay.

Qodobada Heshiiska Dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland:

  1. Dardargalinta wada hadalada iyo in loo yeelo waqti ku jaan go’an
  2. Fulinta wixii lagu heshiiyay iyo in la dardar geliyo mashaariicda dib u dhiska iyo howlaha bini’aadanimo, lana siyaasadeyn.
  3. Fulinta heshiiskii hawada ee labada dhinac ku heshiiyeen.
  4. In Wada hadalka lagu soo daro ama laga qeyb galiyo Xeeldherayaal iyo dowlado saxiib ah.
  5. Ilaalilnta xuquuda aadanaha, iskaashi labad dhinac dhex mara , in meel looga soo wada jeesto argagixisada iyo burcad badeedka.
  6. In kulanka xiga uu dhaco 26-27 Febraayo  ee 2015 oo maalmo ka harsanyihiin kana dhaco stanbul.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa si isku mid ah ugu mahadceliyay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuuda ayaa dalka Jabuuti kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi, iyo sidoo kale ganacsto halkaasi ku sugan.

hes

 

Goobjoog News