U bood dhigaalka

War-murtiyeed Laga Soo Saaray Shirka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo shirkadaha isgaarsiinta

Sheeko:Amniga
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo shirkadaha isgaarsiinta ka howl gala dalka ayaa maanta gaaray heshiiska “isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta” oo suurtagalinaya inay is wici karaan shabakadaha teleefannada kala duwan ee ka jira dalka.
Heshiiska oo ay wadajir u saxiixeen maareeyaha hay’ada Isgaarsiinta Qaranka Mustafa Yaasiin Sheekh iyo madaxda shirkadaha isgaarsiinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Mudane Jaamac Xasan Khaliif, wasiir ku xigeenka iyo Wasiirudowlaha, iyadda oo sidoo kale heshiiskan oo taladiisa ku daray Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka.
Heshiiskan ayaa ah miraha kulamo wadatashi ah oo muddo dheer qaatay oo lagu go’aamiyay dhammaan waxyaabaha aasaasiga ah u ah isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta oo ay kamid tahay qiimaha mideysan ee isku xirka mobilka (Mobile Termination Rate). Isku furidda shabakadaha isgaarsiinta billaabinaya 10-ka January 2023 iyadoo la dhameystiri doono isku xirka dhammaan shirkadaha Febraayo 2023.
Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa xusay in arrinka isku xirka mobilka ay tahay howl sharciyad, wadatashi iyo farasamo wadajira u baahan, sidaas darteed loo galay kulamo wadatashi waqti dheer qaatay balse natiijo laga gaaray.
Sidoo kale maareeyaha ayaa sheegay in heshiiskan uu horseedayo horumarinta adeegga isgaarsiinta dalka oo saldhig u ah dhammaan kaabayaashaasha aasaasiga u ah soo kabashada Soomaaliya.
“Isku-xirka shabakadaha ka sokow in uu yahay waajib sharci ah iyo xuquuq macmiil, haddana waa halbeeg muhiim u ah caafimaad qabka suuqa Isgaarsiinta iyo maalgelinta teknolojiyad iyo addeegyo cusub, waxaana rajaynaynaa in heshiiskan uu soo afjari doono wadahadal la soo bilaawday as’aaskii Isgaarsiinta dalka”. Ayuu yiri Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mustafa Yaasiin Sheekh.
Tallaabadan ayaa soo gebogabeyneysa kala xannibnaanta shirkadaha moobeelladda oo muddo dheer caqabad ku ahayd muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo shirkadaha isgaarsiinta, sida uu xusay wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Mudane Jaamac Xasan Khaliif.
“Dowladdu waxa ay u taagan tahay ilaalinta xaqa muwaadinka haddii uu macaamil yahay iyo iyo haddii uu shirkad leeyahay, howsha ay hay’addu maanta soo gebo gabeysayna waa tusaale nool oo muujinaya sida ay dowladda uga go’an tahay horumarinta isgaarsiinta iyo u abuurista shirkadaha buundo sharci ku dhisan oo ay ku wada kori karaan”. Ayuu yiri wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Mudane Jaamac Xasan Khaliif.
Mas’uuliyiinta shirkadaha ee saxiixay heshiiska ayaa bogaadiyay sida loo soo dharaandhiriyay heshiiska oo is waafajiyay shuruucda dalka, baahida taagan, caqabadaha howshan ku xeeran iyo la jaanqaadidda nidaamka caalamiga ah ee isku xirka moobeelka, taas oo ka dhigeysa mid muddo kooban si fudud lagu hirgalin karo,
Waa tallaabo kale oo xoojineysa heerka ay Soomaaliya kaga jirto isgaarsiinta qaaradda iyo dunidaba, fursada cusubna u abuureysa suuqa isgaarsiinta dalka, dhanka kalena sahleysa nolosha iyo isku xirka bulshada, waxaana shirkaan uu ku soo aadayaa xilli dowladda federalka ay ku jirto dagaal ka dhan ah Al-shabaaab.
Goobjoog News