U bood dhigaalka

War-murtiyeedka Laga Soo Saaray Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka (Qoraal & Muuqaal)

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu soo gaba gabeeyay shirka madasha wadatashiga qaran oo billawday 13-kii bishaan, kaasi oo looga arrinsanayay nooca ay noqoneyso hanaanka doorasho ee sanadka 2016-ka.

Waxaa lasoo saaray War-murtiyeed gaba gabada shirkaan, waxaana saxaafadda u akhriyay wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaaa.

Hadaba Goobjoog News ayaa idiin soo gudbineysa War-murtiyeedka oo dhameystiran:-

Muqdisho 16 December 2015

Kulanka oo ay kasoo qeybgaleen madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, gudoomiyaha baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, madaxeynaha Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, xildhibaanno iyo Wasiirro ka tirsan Labada Gole ee dowladda, wasiirro iyo xildhibaanno ka socda maamul gobaleedyada, gudoomiyaha iyo ku xigeennada maamullada Banaadir, Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, xubno matalayay Haweenka, dhallinyarada iyo bulshada rayidka iyo wakiillo ka kala socday beesha caalamka.

Kullan weynaha Labaad ee madasha Watashiga Qaran waxaa lagu soo bandhigay warbixintii iyo xogti laga soo uruuriyay wadatashiyadii dadweynaha ee looga arrinsanayay hanaanka doorashada 2016-ka ee ka qabsoomay goobo badan oo dalka gudahiis iyo magaalada Nairobi intii u dhaxeysay 15-kii November illaa 5-tii December 2015-ka.

Madasha waxay soo dhaweysay hanaanka geeddi socodka nabadda ee loo qabtay shacabka Soomaaliyeed, wadatashiyadaasi oo fursad weyn u siiyay muwaadiniinta inay ka qeybqaataan siyaasadda iyo talada aayahay dalka, taas oo muujineysa hirgelinta mabaadi’da asaasiga ah ee dimuqraadiyadda.

Madasha waxaa kale oo ay soo dhaweysay kaalinta muhiimka ee dowladda Federaalka, dowlad gobaleedyada iyo maamullada goballada Banaadir Hiiraan, Sh/dhexe iyo ergada beelaha Somaliland oo dhammaantood gacan ka geystay in wadatashiyadu qabsoomaan.

Madashu waxaa kaloo ay xustay doorkii ergooyinkii ka kala socday ee qeybaha kala duwan ee Bulshada rayidka ah iyo intii kale ee gacan ka geystay.

Madasha Wadatashiga qaran waxay soo dhaweyneysaa sidii xorta ahaa ee ka qeybgalayaashu wadatashiyadii ka dhacay dalka gudahiisa iyo dibaddiisa usoo bandhigeen Afkaartooda kala duwan.

Ergada madashada wadatashiga qaran waxay garwaaqsatay in shacabka Soomaaliyeed ay wadar ahaan u muujiyeen inay rabaan isbedal siyaasadeed oo dhaca sanadka 2016-ka marka uu dhamaado mudadii xilka loo igmaday hay’adaha sharci dejinta iyo fulinta ee dowladda Federaalka ee bilaha August iyo September 2016-ka.

Madashu waxay qireysaa doorkii wax ku oolka ahaa ee haweenka iyo dhallinyarada ka qaateen wada tashiyada sidoo kalena waxay madashu qireysaa in geeddi socodka doorashada ay ka dhex muuqdaan qeybaha kala duwan ee bulsha, sidaa darteed waxaya madashu ku heshiisay in qoondo go’an loo sameeyo Haweenka, qoondadaasi haweenka iyo dhallinyaradu waxay ku yeelan doonan ergooyinka doorashada iyo xildhibanada baarlamaanka soo socda.

Ergada madasha wadatashiga qaran waxay garwaaqsatay natiijada kasoo baxday wadatashiyadii lagu qabtay dalka gudahiisa iyo dibadiisaba, maadaama aragtida afarta hab doorasho lagu kala duwan yaha.

Ergada wadatashiga qaran waxay gaba gabadii isla garteen in loo baahan yahay Hab doorasho oo kulminaya aragtidii iyo soo jeedintii ay ka qeybgalayaashu watashiyadu yeesheen.

Iyadoo laga amba qaadayo wadatashiyadii iyo natiijadii kasoo baxday madasha wadatashiga qaran waxaa la’isku raacay mabaadiida soo socota:-

  • Inaysan jirin wax mauddo kordhis ah xilliga uu dhamaado mudada Dastuuriga ah ee hay’adaha dowladda

 

  • Dhismaha aqalka hoose iyo aqalka sare waa inay ka qeyb ahaadaan hanaanka doorasho ee sanadka 2016

 

  • Doorashada Labada aqal waa inay ku saleysnaadaan isku dheelitir qabiil iyo deegaan

 

  • In ergooyinka doorasho ay ka qeybqaataan doorashada xildhibaanada baarlamaanka taas oo ka dhacaysa

 

  • caasimadaha dowlad gobaleedyada, ergooyinka waa inay matalaan qeybaha kala duwan ee bulshada sida Haweenka, dhallinyarada iyo bulshada rayidka ah

 

  • Inay jirto kuraas cayiman oo ka mid ah Labada aqal taas oo haweenka loo qoondeeyay, waa in la xoojiyaa xuquuqda Haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay

 

  • In la’isku raaco qorshe siyaasadeed cad oo qeexaya meel marinta hanaanka doorasho ee 2016-ka, iyo mid kale oo cadeynaya sidii dalka loo hirgelin lahaa doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020-ka, qorsheyaashaan waa inay qeyb ka noqdaan heshiiska kama dambeysta ah ee hanaanka doorasho 2016-ka

 

  • Kadib wadatashiyo hogaamiyayaashu ugu noqon doonaan deegaanada, waa in faah faahinta kama dambeysta ah ee hanaanka doorasho ee sanadka 2016 iyo qorshe fulineedka la’isku raacaa kullan lagu qaban doono magaalada Kismaayo 10-ka January 2016.

 

  • Madashu waxay u mahadcelinaysaa guddi howleedka iyo guddiga taageerada farsamada

 

  • Ugu dambeyn madashu waxay mahad celin gaar ah usoo jeedineysaa beesha caalamka waxayna ku dhiira gelinaysaa taageeridda dadka Soomaaliyeed.

 

ayaa lagu soo gabagabeeyay shirka madasha wadatashiga qaran ee maanta ku dhamaaday magaalada Muqdisho.

Goobjoog News