U bood dhigaalka

Waraabe: Somaliland Shaqo Kuma Laha Doorashada Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa ka hadlay doorashooyinka Soomaaliya iyo qoondada gobolada Woqooyi loogu qoondeeyey shirkii doorashooyinka dalka ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho, oo ay isugu yimaadeen Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa sheegay in arrinkaas aaney iyaga u oolin.

Faysal Cali Waraabe ayaa intaasi ku daray in Somaliland aysan shaqo ku laheyn doorashooyinka Soomaaliya ayna tahay qaran madaxbannaan, sida uu hadalka u dhigay isaga oo dowladda federaalka Soomaaliya ugu baaqay in dhulkeeda ay hagaagsato aysan ku mashquulin Soomaaliland. waxaana uu intaas ku daray in aysan saameyn ku yeelan doonin.

Halkaan Ka Dhageyso Wareysiga oo Buuxa.

Goobjoog News