U bood dhigaalka

Waran Cadde Oo Sheegay 4 Sabab Oo Ay Somaliland Uga Adkaatay Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Qoraal iyo wareysi lagu daabacay majaladda Politico Europe, uuna qaaday wasiir hore oo Yurub ah oo lagu magacaabo Bruno Maçães ayuu Cali Waran Cadde lataliyaha dhanka ammaanka ee madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku sheegayaa in xarakada Al-shabaab aaney joojin dhulka Somaliland.

Waran Cadde oo wasiirka arrimaha gudaha u ahaa 3dii madaxweyne ee Muuse ka horeeyay wuxuu ammaanay sida Somaliland guulo badan uga gaareen arrimaha amniga iyo sababta dhulkaasi looga waayey dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland waxaa uu Politico Europe u sheegay sababta ay uga adkaadeen Al-shabaab iyada oo xataa ay madaxda xarakada ku jiraan rag ka soo jeeda gobollada Somaliland.

4 Sabab uu Waran Cadde soo qaatay waxaa ka mid ahaa:

Miisaanidda Somalilanda kala-u-bar waa sugidda amniga, xuduudaha Somaliland oo amnigooda la adkeeyay, shakhsiyaadka madaxa-adag oo xabsiga lagu iloobo iyo shacabka oo qeyb ka ah laamaha ammaanka sida iyaga meel walba jooga, wax walba og, wax walba maqla soona tiftifa.

Goobjoog News