U bood dhigaalka

Warar Dheeraad Ah oo Kasoo Baxay Qarax Ka Dhacay Jubbada Hoose

Sheeko:Amniga

Ugu yaraan 9 qof oo ay ku jiraan cunug yar iyo haweeney ayaa la sheegayaa iney ku dhinteen qarax miino oo haleeley gaari shacab oo marayey Jubbada hoose.

Qaraxa ayaa ka dhacay sida la sheegay Taabto, oo u dhow Dhhobley oo ah xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Cabdicasis Xuseen Gedi oo ka tirsan Jubbaland ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Anaadool in gaari u socday Dhoobley lala eegtay miino dhulka, taasi oo keentay geeriga 9 qof oo ay ku jiraan cunug yar iyo haweeney.

Cidna ma sheegan mas’uuliyadda weerarka, Dhoobleyna waa magaalo 191 kilometers (130 miles) u jira Kismaayo, oo ah xarunta maamul goboleedka Jubbaland.

Goobjoog News