U bood dhigaalka

Warar Dheeraad Ah Oo Lag Helay Qarax Saakay Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax saakay ka dhacay xaafadda Galmudug ee magaalada Muqdisho, kaasi oo khasaare kala duwan geystay.

Sida ay xaqiijiyeen dad ku dhow halkaasi, waxay miino ka dhex qaraxday gaari nooca Kaarib loo yaqaan, taasi oo halkaasi mareysay.

Gaariga ayaa la xaqiijiyey iney saarnaayeen askar ka tirsan ciidanka dowladda, gaar ahaan kuwa Milatariga oo Saddex gaarayey.

Mid ka mid ah askartan ayaa ku dhintay qaraxan, waxaana ku dhaawacmay mid kale.

Qarax kadib waxaa goobta gaaray ciidamada dowladda oo sameeyey baaritaanno, iyadoo la xiray wadada gaarigan uu ku qarxay.

Qaraxyada sidan oo kale ah ayaa noqday kuwo kusoo batay magaalada Muqdisho, xilli dowladda federaalka ay waddo qorsheyaal wax looga bedalayo ammaanka Muqdisho.

Goobjoog News