U bood dhigaalka

Warar dheeraad Ah Oo Lag Helayo Diyaaradii Kusoo Dhacday Duleedka Afgooye

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa diyaarad shalay gelinkii dambe kusoo dhacday duleedka degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose, taasi oo la sheegay inay tahay kuwa xamuulka qaada.

Diyaaradani ayaa ku dhacday inta u dhaxeysa deegaanada Cumar Beere iyo Cismaan Dure oo qiyaastii degmada Afgooye u jira 10 Kiilo Mitir.

Diyaarado ku duulaya joog hoose ayaa lagu arkayaa hawada degmada Afgooye iyo halka ay diyaaraddu ku dhacday, waxayna dadka deegaanku muujinayaan cabsi.

Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa soo sheegaya in dadku ay yihiin kuwo hadal haya diyaaradaan iyo sidoo kale diyaaradaha saaka lagu arkayo halkaasi.

Weli waxaan si rasmi ah loo cadeyn halka diyaaradaan laga lahaa, meesha ay ka timid, cidda ay ku socotay iyo sababta kalliftay inay soo dhacdo, inkastoo shalay roobab xoogan ay socdeen markii ay diyaaradda dhaceysay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli wax war ah kama aanay soo saarin diyaaradaasi dhacday, iyadoo halka ay ku dhacday la sheegayo inay maamusho Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News