U bood dhigaalka

Warar Dheeraad Ah Oo Laga Helay Wiil Soomaali Ah Oo Dilay Gabar Swedish Ah

Sheeko:Dalka

Wararka  ayaa sheegaya in wiilka Soomaaliga ah ee dilka u geystay gabar ka shaqeyn jirtay xeryaha qaxootiga bishii January uu qaan gaar yahay.

Wiilka oo middi ku dilay gabadha Alexandra Mezher oo  22 jirka aheyd ayaa markii hore la sheegay in uu 15 jir yahay oo aanu weli qaan-gaarin,arrintaas oo hadda la leeyahay waa waxba kama jiraan.

Dhacdadan cusub waxaa ay ka dhigeysaa in wiilkaas uu gaaray 18 sano, isla markaana uu mari doono maxkamad isagoo loola dhaqmayo sida nin qaan-gaar ah oo mas’uul ka ah waxa uu sameeyay.

Abuukaateyaasha wiilkan difaacaya waxaa ay sheegayaan in wiilkan aanu qaan-gaarin, in aanu falkaasi u dhicin si ula kac ah ama ay ka dambeyso jinsiyad naceyb, waxaa kaloo ay eedda dusha ka saareen gabadha oo ay ku eedeeyeen in aanay ka tagin meesha markii ay aragtay wiilkan oo middi wata.

Hooyada Alexandra ayaa ku doodeysa in wiilkan uu qaan-gaar yahay, dilka gabadheeda ayey ku tilmaantay in uu uga dhigan yahay qoyska oo dhan oo la dilay, iyadoo dalbatay in wiilkan la ciqaabo.

Qoyskan gabadha laga dilay waxaa ay mar hore soo galeen dalka Sweden iyagoo ka yimid dalka Lebnon muddo laga joogo 25 sano, gabadha ayaa muddo ka shaqeyneysay xerada qaxootiga.