U bood dhigaalka

Warar Dheeraad Ah Oo Laga Helayo Dadkii Ku Waxyeelloobay Qaraxyadii Baydhabo

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa shacabkii waxyeellada ay kasoo gaartay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Agaasimaha Isitaalka magaalada Baydhabo Cabdifitaax Ibraahim Xaashi oo la hadlay caawa Goobjoog News ayaa sheegay inay jiraan dad qaba dhaawacyo halis ah.

Wuxuu sheegay in isbitaalka dhaawac ahaan loo keenay 40 qof hase ahaatee ay geeriyoodeen Labo ka mid ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in caawa isbitaalka Baydhabo ay yaallaan Meydadka 18 qof oo shacab ah.

“Dhaqaatiirta Isbitaalka Baydhabo dedaal xooggan bay sameeyeen, waxaa hadda dhaawac ahaan isbitaalka u jiifa 38 qof oo dhammaanba shacab ah, dadka waxaa kujira kuwo daran, laakiinse hadda waxaan wadnaa kala sooc ah dadka qaba dhaawacyada daran iyo kuwa roon” ayuu yiri Agaasime Xaashi.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa gabal dhacii maanta ka dhacay Laba qarax oo is xigxigay kuwaa oo lala eegtay meello bulshadu ku badan tahay, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare badan oo dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed isugu jira.

Goobjoog News