U bood dhigaalka

Warar Dheeraad Ah Oo Laga Helayo Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal Ka Socda Marka

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal ka socda magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose.

Guddoomiyaha magaalada marka Xasan Cumar oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in 5 ruux ay dagaalkaasi ku geeriyootey, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in dhammaan dadka geeriyoodey ay ka kala tirsan yihiin maleeshiyaadka ku dagaallamaya magaalada Marka.

“Maleeshiyaadkan markii horeba kalama fogeen, shalay ayeey rasaas isku bilaabeen, laakiinse maanta dagaal aad u culus baa dhacay, waxaana ka dhashay dhimashada 5 ruux oo Maleeshiyaadka dagaallamaya ah” ayuu yiri guddoomiyaha.

Sidoo kale guddoomiyaha magaalada Marka ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamaya magaaladaasi in wax walbo lagu dhameeyo miiska wada hadalka, lana joojiyo dagaallada socda.

Maleeshiyaadka ku dagaallamaya magaalada Marka ayaa marar badan sidan oo kale ugu dagaallamay magaaladaasi, illaa iyo haatanna ma jirto waan waan laga dhex wado dhinacyada dagaallamaya.

Dagaalka ka socda magaalada Marka ayaa saameeyey dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaaladaasi, iyadoo dhanka kale ay xiran yihiin  dhammaan xarumaha ganacsiga ee magaaladaasi.

Goobjoog News