U bood dhigaalka

Warar Dheeraad Ah Oo Laga Helayo Qarax Xalay Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax habeenkii xalay ahaa ka dhex dhacay guri ku yaalla xaafadda Oodweyne, degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in qaraxan lagu diyaarinayey gurigaasi, waxaana ku dhintey Labo qof oo la sheegay iney ahaayeen rag farsameynayey walxahan qarxay.

Waxaa sidoo kale jira dhaawac soo gaaray haweeney ku sugneyd guriga qaraxan uu ka dhex dhacay.

Ciidamada ammaanka oo gaaray halka qaraxa uu ka dhacay ayaa ugu horreyn la wareegay hoyga qaraxa uu ka dhacay, waxaana sidoo kale ay howlgal kusoo qabteen dad looga shakisan yahay in arrintan ay wax ka ogaayeen.

Maamulka degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, weli faah faahin kama aanu bixin qaraxan iyo sidoo kale raad raaca guriga qaraxa uu ka dhacay.

Goobjoog News