U bood dhigaalka

Warar Dheeraad Ah Oo Laga Helayo Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Labo qarax oo goor dhow ka dhacay Albaabka laga galo xerada Xalane oo ku dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo khasaare kala duwan geystay.

Wararku waxay intaa ku darayaan in qaraxyadan ay ahaayeen gaadiid laga soo buuxiyey walxaha qaraxa, waxaana khasaare uu soo gaaray dad isugu jira askar iyo shacab.

Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa ku qulqulaya halka qaraxyadan ay ka dhaceen, iyadoo weli ay adag tahay in la helo khasaaraha guud inta uu la egtahay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News