U bood dhigaalka

Warar Dheeraad oo Kasoo Baxaya Dagaalkii Leego

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalkii Leego maanta ee dhexmaray ciidamada Alshabaab iyo kuwa AMISOM, waxayna wararka sheegayaan in qasaaraha dagaalka ka dhashay uu aad u kordhey.
Wararka qaar ayaa ka hadlaya in tirada dhimashada ay gaareyso illaa 25 qof , kuwa intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, waxayna u badanyihiin ciidamadii dagaalamay.
Mas’uul u hadlay dowladda ayaa sheegey in Alshabaab ay la wareegeen qeybo ka mid ah deegaanka Leego, iyo waliba xerada AMISOM ee halkaasi ku tiiley.
Laakiin Maxamed Siidii oo ah guddoomiyaha dowladda ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa Goobjoog u sheegey in dib loo caabbiyey ciidamada Alshabaab ee weerarka soo qaaday.
Waxaa jira warar ka hadlaya in dhimashada ay aad ugu badnaan karto tirada la sheegey.
Goobjoog News