U bood dhigaalka

Warar Horudhac Ah Oo Laga Helayo Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxyadii Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa soo baxaya warar horudhac ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay Labo qarax oo ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan nawaaxiga xarunta dambi baarista CID oo ku dhow isgoyska Km-4.

Wariyeyaal ka tirsan Goobjoog News oo gaaray halkaasi waxay soo sheegayaan in ay arkeen dhimashada 5 qof iyo dhaawaca 12 kale.

Labada qarax mid ka mid ah waxa uu ka dhacay meel ku dhow albaabka xarunta CID, xilli halkaasi ay shacab badan marayeen.

Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa wada dadaal xooggan oo ku saabsan sidii dadka dhaawacyada ah loo gaarsiin lahaa isbitaallada Muqdisho.

Saraakiisha amniga weli wax war ah kama aanay soo saarin arrintaan, xaaladuna weli waa mid kacsan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News