U bood dhigaalka

Warar Is Khilaafsan Oo Ka Soo Baxaya Dhul Laga Dhisayo Xeebta Muqdisho

Sheeko:Amniga

Taliyaha ciidamada badda Soomaaliya Generaal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ku eedeyay in uu boob ku hayo dhul ay ciidamada badda Soomaaliya ay leeyihiin.

Gen Dirir oo ka soo muuqday muuqal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble uu si shaqsi ah boob ugu hayo guryana ka dhisanayo dhul uu sheegay in ay leeyihiin ciidamada badda Soomaaliyeed.

“Waxaa dhulkii ciidanka badda Soomaaliyeed si boob ah ku dhisanaya madaxdii qaranka ugu sareysay oo uu ugu horeeyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waa ayaan darro in la hunguriyeeyo hantidii ma guurtada ah ee ciidanka xoogga dalka,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka badda Generaal Cabdixamiid Maxamed Dirir.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in aysan marqaati ka noqon doonin boobka hantida ciidamada uu ku hayo ra’iisul wasaaraha sida uu hadalka u dhigay.

“Marqaati kama noqa doono, mana qaadan doono, boobka socda, in la isugu caga-jugleeyo xilkaa lagaa qaadayaa kuma aamuseyno, hadaan hadda ka tegeyno xilka, waxaan u dhaaranay inaan ilaalino hantida umadda, kana been sheegi meyno taas,” ayuu yiri Dirir.

Dhanka kale Taliyaha ugu darajada sareeya ciidamada Soomaaliya ahna wasiiru dowlaha wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska xukuumadda federaalka Bashiir Goobe ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin eedda taliyaha ciidamadda ka soo yeertay.

Bashiir goobe ayaa sheegay in shuruucda ciidanka iyo anshaxa jananada aysan meel kaga oolin in la eedeyo hogaanka dalka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dhulka taliyaha ciidamada badda uu sheeganayo uusan aheyn dhul ciidan, sidoo kalena mar hore laga wareejiyay ciidamada badda.

“Waa dhul yar oo u dhaxeeya xeebta iyo safaaradda Turkiga, dhanka kalena waxaa ka xigay guryo ay degan yihiin saraakiil aan anigu ku jiro,”ayuu yiri bashiir goobe.

Bashiir Goobbe ayaa sidoo kale ku eedeyay in taliyaha ciidamada badda looga baahan yahay in uu dhiso dhulka ciidamadda badda ee ku yaalla degmada Kaaraan.

“Hadii maanta ay u jeedadu tahay in wax la dhisayo, waxay aheyd in la dhiso taliska guud ee ciidanka badda, marna ma garan in dhul xeeb ah oo qashinka magaalada uu isugu yimaado, in la yiraahdo talis ciidan ayuu noqonayaan, ma noqon karo dhul ciidan, laakiin anigu markii aan u fiirsaday arrintaan waxaan is dhahay, waxaan maxay noo jiheynayaan fowdadii iyo waxyaabihii aan ka soo gudubnay?” ayuu yiri Bashiir Goobe.

Wasiiru dowlaha Howlaha guud iyo dib u dhiska Bashiir Goobe ayaan dhankiisa jawaab cad ka bixinin cidda dhulka dhisaneyso ee taliska badda ay ku eedeyeen .

Goobjoog News