U bood dhigaalka

Warar Kusoo Kordhay Weerarkii Muqdisho

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerar ay Al-shabaab ku qaadeen xarun ay wada deganaaayeen wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, waxaana hallkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Wararka ay heshay Goobjoog News, ayaa waxay sheegayaan in weerarkan uu markii hore ku bilowday Labo qarax oo Ismiidaamin ah, mid ka mid ah qaraxyadan ayaa ka dhacay Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxayada kadib ayaa rag hubeysan oo Saddex ah waxay gudaha u galeen xaruntan ay Labadan wasaaradood deganaayeen, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyey ciidanka amniga iyo raggan.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaan ku dhintey dad ka badan 5 qof, iyadoo dhaawacna uu jiro.

Gaadiidka gurmadka ayaa weli ku howlan soo daabulista dadka ay waxyeellada ku gaartay weerarkan, iyadoo howlgalkana uu socdo.

Al-shabaab ayaa baaraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegeen in ay weerarkaan iyagu ka dambeeyeen.

Warkaan wixi kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News