U bood dhigaalka

Warar Sheegayay In Ay Is Horfadhiyaan Ciidamada Puntland Iyo Galmudug Oo La Beeniyay

Sheeko:Dalka

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa waxba kama jiraan ku sheegay warar sheegayay in ay jiraan ciidamo Labada dhinac ah oo isku horfadhiya magaalada Gaalkacyo ka dib markii warkaasi ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta ka howlgasha Mudug.

Mas’uuliyiinta maamuladaasi u qaabilsan gobalka Mudug ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo aanay ka jirin wax abaabul ciidan ah ama ciidan is hor fadhiya.

Aweys Cali Saciid oo ah gudoomiyaha Mudug ee Galmudug ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo la doonayo in hadda dhibaato lagu abuuro, hase ahaatee xaaladda ay tahay mid degan.

“Aniga dhinaca Galmudug oo aan gudoomiyaha ka ahay waxaan cadeynayaa in aysan jirin wax ciidan ah oo dagaal u socda, waana been abuur warkaasi, wax hadda is hor fadhiya oo dhibaato isku hayana ma jiraan, waxaan haysannaa nabad, waxaana leenahay allaha inoogu dhameeyo nabadaasi” ayuu yiri gudoomiyaha.

Axmed Muuse Nuur isna waa gudoomiye ku xigeenka Labaad ee gobalka Mudug ee Puntland waxaana uu sheegay in dhankooda aysan ciidan abaabulin, islamarkaana ay ilaalinayaan derisnimada iyo amniga magaalada Gaalkacyo.

“Anaga wax ciidan Puntland ah oo la abaabulay ma jiraan, waa warar been abuur ah, nabadda ayaa inoo wada dan ah, waxaan ilaalinaynaa hadaan nahay Puntland amniga, iyo derisnimada” ayuu yiri Axmed Muuse.

Ugu dambeyn Mas’uuliyiintaan ayaa baaq isku mid ah waxa ay u direen shacabka Mudug gaar ahaan Gaalkacyo, waxaana ay ugu baaqeen in ay ka wada shaqeeyaan Nabadda islamarkaana iska ilaaliyaan wax walba oo dhibaato keeni kara.

Goobjoog News