U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambaayey Dagaallo Ka Dhacay Deegaanka Goofgaduud Ee Baay

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka oo garab ka helaya kuwa Koonfur Galbeed iyo Xarakada Al-shabaab oo dhinac ah ayaa gabal dhacii shalay ka dhacay deegaanka Goofgaduud ee gobolka Baay, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa weerar kusoo qaadey fariisin ay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ku lahaayeen deegaankaasi, waxaana  halkaasi ka dhacay dagaal saacado socday.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku geeriyootey 6 ruux oo u badan dhinacyadii dagaallamay, ku dhowaad 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen sida ay goob joogayaal inoo xaqiijiyeen.

Wararkii ugu dambeeyey ee maanta laga helayo deegaanka Goofgaduud ayaa sheegaya in xaaladdu tahay mid deggan, waxaana deegaankaasi ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa K/galbeed.

Maamulka deegaankaasi weli wax faah faahin ah kama aanu bixin dagaalkaasi, balse Al-shabaab ayaa maalmahan dambe weeraro kala duwan ku qaaddey deegaanno ka tirsan gobolka Baay.

Goobjoog News