U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Ciidamada Jubbaland Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Kismaayo

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa ka dhacay deegaanka Beerxaani oo duleedka ka ah magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose.

Weerarka dagaalkani waxaa lahaa ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM, waxaana dagaalkaan uu dhacay shalay kaasi oo khasaare badan dhaliyay.

Ugu yaraan 5 qof oo dhinacyadii dagaallamay ah ayaa halkaasi ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay 4 ruux.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Beerxaani oo la hadlay Idaacadda Goobjoog, codsadayna in aan magaciisa la baahin ayaa sheegay in weerarka kahor ay ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland deegaankaasi duqeeyeen.

Ugu dambeyn waxaa ciidamadii weeraray Beerxaani u suurta gashay inay la wareegaan deegaankaasi, sidoo kale ay maxaabiis Al-shabaab u xirnaa iyo gaadiid xayirnaa ay soo daayaan, waxaana saacado badan oo halkaasi ay joogeen kadib ay dib ugu laabteen magaalada Kismaayo.

Goobjoog News