U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo gaaray Degmada Buulo-burde ee Gobalka Hiiraan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa degmada Buulo-burde ee gobalka Hiiraan ku qul qulaayay ciidamo ka socda dowladda Itoobiya kuwaa oo ka mid ah Howlgalka AMISOM.

Ciidamadaan ayaa kasoo amba baxay degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan, waxaana ay buuxdhaafiyeen degmada Buulo-burde iyaga oo aad u hubeysan.

Maxamed Muumin Saneey oo ah taliyaha ciidamada xooga dalka ee degmada Maxaas oo ciidamadaan Itoobiya la socda ayaa Goobjoog faah faahin ka siiyay ciidamadaan halkaasi gaaray iyo uljeedkooda.

Waxa uu sheegay taliyaha in ciidamadaan iyo kuwa xooga dalka ay galbin doonaan raashiin gar gaar ah oo dhawaan degmada Buul-burde la geeyay, waxaana raashiinkaasi loo qaadi doonaa degmooyinka Maxaas iyo sidoo kale Ceel-buur oo ka kala tirsan gobalada Hiiraan iyo Gal-gaduud.

“Si nabad ah ayaan ku tagnay degmada Buulo-burde, waxaan kasoo amba baxnay Maxaas, raashiin gar gaar ah ayaan halkaan ka qaadi donnaa, waxaana u wadnaa in aynu uu geyno dadka dhiban ee Maxaas iyo Ceel-buur jooga, mida kale uljeedkeena waa in aan isku furnaa wado walba oo kala xiran” ayuu yiri taliyaha.

Al-shabaab ayaa go’doomisay degaano badan oo ka mid ah gobalka Hiiraan iyadoo dhawaan ciidamada dowladda ay raashiin gar gaar ah xoog ku geeyeen degmada Buulo-burde.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News