U bood dhigaalka

Wararkii ugu dambeeyay dagaal beeleed ka dhacay gobalka Mudug iyo qasaare lasoo sheegayo

Sheeko:Dalka

Shalay ilaa Daraad galab waxaa deegaano ku dhaw degmada Xarardheere ee gobalka Mudug ka dhacay dagaal culud oo u dhaxeeyay beelo walaal ah oo halkaasi wada degan.

Dagaalkaan ayaa ka bilawday isku qabsi godad cusbada laga qodo, iyo sidoo kale dhul daasin ah oo halkaasi ku yaala, waxaana dagaalkaan ku dhintay in ka badan 30 qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah.

Saaka xaaladda guud wey ka yara degan tahay sidii hore, waxaana wararka ay sheegayaan in ay is horfadhiyaan Maleeshiyaadkii dagaalamayay.

Dhinaca kale ma jirto cid ilaa iyo hadda is xilqaantay oo ku aadan in ay hakiso colaadaan, marka laga soo tago baaqyo afka laga jeediyay.

Goobjoog News.